Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Milatariga Kuuriyada Waqooyi Oo Dil Toogasho Ah Lagu Fuliyey

0
760

Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Milatariga Kuuriyada Waqooyi Oo Dil Toogasho Ah Lagu Fuliyey

 

Hyon Ju-song, oo ahaa Jeneraal ka tirsan Milatariga dalka waqooyiga Kuuriya ayaa lagu fuliyay xukun dil fagaare ah .

Ninkan ayaa lagu eedeeyay in qaar ka mid ah ciidamada dowladda uu siiyay raashin iyo shidaal dheeraad ah.

Hyon Ju-song ayaa lagu toogtay dugsiga ciidanka waqooyiga Kuuriya ee Kang Kon Military Academy oo ku yaalla Magaalada Pyongyang ee caasimadda waqooyiga Kuuriya.

Toogashada Sarkaalkan waxaa ka qeybgalay 9 nin uu ka mid ah ciidanka sida gaarka ah u tababaran, waxaana ay mar kaliya ku rideen 90 xabbadood oo ay hal mar wada fureen.

Ninkan ayaa ku eedeysnaa in ciidamada dowladda qaarkood uu siiyay raashiin dheeraad ah iyo shidaal, munaasibad bishii April lagu hirgelinayay cir bixiyeen ay dowladda sameysatay.

Caddadka Raashinka iyo shidaalka ayaa lagu kala sheegay 1 tan oo shidaal ah 580 kg oo Bariis ah iyo 750 kg oo Galley ah – sida ay ku warramayaan warbaahinta ka ag dhow dalkaasi.

Dilka sarkaalkan ayaa la sheegay in uu amray hoggaamiyaha dalkaasi kaddib markii uu maqlay arrinta uu ku kacay ninkan sarkaalka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here