Dowlada Koofurta Sudan iyo Mucaaradka oo heshiis xabad joojin ah gaaray

0
725

Dowlada Koofurta Sudan iyo Mucaaradka oo heshiis xabad joojin ah gaaray

 

Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir iyo hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa gaaray heshiis xabad joojin ah oo si dhaqaso ah u dhaqan galaysa kadib dagaal burbur xoog leh u geystey dalka Koofurta Sudan.

Wasiirka Arrimaha Dibada dowlada Sudan Al-Dirdiri Mohamed Ahmed ayaa sheegay in heshiiskan u dhaqan galayo 72 saacadood kadib markii kulan ka dhacay magaalada Khartoum ee dalka Sudan maant qalinka lagu duugay heshiiskan.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha dalka Sudan Omar Al-Bashiir inkastoo heshiisyo ay hore u gaareen dowlada iyo mucaaradka Koofurta Sudan ay u burbureen.

Dadaal xoog leh oo ay sameeyeen hogaamiyaasha dalalka  Bariga Afrika ayaa suurtogeliyay in ay oggolaadaan Salva Kiir iyo Machar in ay heshiis gaaraan.

Heshiiskan ayaa dhaqan gelkiisa waxaa  kormeeri doona ciidamo ka socda Midowga Yurub iyo weliba ciidamo kale oo ka imanaya dalalka ku bahoobay urur goboledka IGAD.

Dagaalada sokeeya ee ka dhacay dalka Koofurta Sudan ayaa waxaa ku dhintey tobanaan kun oo ruux waxaana ku barakacay dad lagu qiyaasay illaa afar malyan tan iyo markii uu dagaalkan bilowday bishii December 2013.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here