Al-Shabaab oo beeniyay wararka sheegaya inuu geeriyooday Abuu Cubeyda

0
732

Al-Shabaab oo beeniyay wararka sheegaya inuu geeriyooday Abuu Cubeyda

 

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu geeriyooday Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, iyagoo ku tilmaamay wararkaas kuwo aan sal laheyn.

Sida uu qoray bogga Somalimemo oo taageera Shabaab ayaa sheegay in wararka ay qoreen warbaahinta ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah, iyagoo soo xigtay mas’uul sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo aan magaciisa sheegin.

“Warka ka soo yeeray kooxda Farmaajo ee ku aaddan in uu geeriyooday Sheekh Abuu Cubayda ama uu xanuunsan yahay waa waxba kama jiraan, waxaa looga danleeyahay in lagu daboolo dekedaha dadka Soomaaliyeed ee lagu wareejiyay Itoobiya”ayaa lagu qoray bogga taageera Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo la hadlayay Idaacada codka ciidamada ayaa sheegay in Hoggaamiyaha Al-Shabaab uu u geeriyooday Isniintii xanuun dhanka Kelyaha ah.

Warbaahinta taageera Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore beeniyay warar sheegaya in la dilay sarkaal ka tirsan ururkaas.

Hoggaamiyaha al-Shabaab Abuu Cubeyda ayaa bishii December ee sanadkii 2014 loo doortay inuu hoggaamiyo kooxda, kaddib dilkii Hoggaamiyahooda hore Axmed Godane, waxaa horay Mareykanka uu madaxiisa u dul dhigay illaa 6-milyan oo dollar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here