Shimbir sabab u noqotay in la baajiyo Mahrajaan weyn oo ka dhici lahaa magaalada Ottawa

0
917

Shimbir sabab u noqotay in la baajiyo Mahrajaan weyn oo ka dhici lahaa magaalada Ottawa

Magaalada Ottawa ee dalka Canada waxaa dib u dhac ku yimid munaasabad weyn oo Mahrajaan Musik ah , waxaana dib u dhaca munaasabadaasi la sheegay in ay sabab u noqotay Shimbir.

Goobta la doonayay in laga dhiso Masraxa lagu qaban lahaa Mahrajaanka ayaa la sheegay in ay ukumo ku dhashay Shimbir, waxa ayna arintaasi keentay in dib loo dhigo munaasabada ilaa xal looga helayo ukumaha shimbirtaasi.

Sharciga dalka Canada ayaa dhigaya in  ruqsad ama ogolaansho dowladda  laga helo, ka hor inta aanan meesha laga kaxeynin shimbirta iyo ukumaheeda, waxa ayna arintaasi qaadatay saacado aad u badan.

Dalka Canada waxaa sidoo kale waajib ah in la helo  qof qabiir ah oo Shimbiraha la macaamili kara, kana taxadari kara in aysan ukumaha ka jabin marka la doonayo in shimbir iyo ukumaheeda meel laga qaado.

Munaasabada Mahrajaanka oo qorshuhu ahaa in ay dhacdo 5-ta bisha soo socota ee July ayaa dib u dhacday mudo labo maalin ah, waxaana arintan sabab looga dhigay shimbirta goobtaasi ukumaha dhigatay.

Shimbirtan oo afka qalaad lagu dhaho Killdeer ayaanan ka mid ahayn kuwa sii dabar go’aya, balse waxaa lagu illaaliyay shuruucda federaalka ee Canada iyo Maraykankaba, waxayna ka mid yihiin shimbiraha u kala goosha deegaanada kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here