Saraakiil Tiro Badan Iyo Shac Maxkamad loo soo taagay qaraxii ka dhacay Magaalada Addis ababa

0
765

Saraakiil Tiro Badan Iyo Shac Maxkamad loo soo taagay qaraxii ka dhacay Magaalada Addis ababa

 

Illaa 26 qof oo uu ku jiro ku xigeenka taliyaha booliska ee Addis Ababa ayaa waxaa la hor keenay maxkamad, ayadoo lala xiriirinayo weerar ka dhacay Sabtidii banaanbax magaalada lagu qabtay.

Warbaahin dawladda u dhow ayaa sheegtay in dadkaas qaarkood looga shakiyey inay bam-gacmeed ku tuureen banaanbaxa, in yar ka dib markii uu ra’iisul wasaaraaha waddankaas, Abiy Ahmed dhameeyey khudbad uu halkaa ka jeedinayey.

Qaar kale oo dadkaas ka mid ah ayaa iyana loo xirxiray sababta ay ku guul darraysteen inay ka hor tagaan weerarka, oo ay ku dhinteen laba qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 150 kale.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhiig ugu deeqay bankiga dhiigga ee dalka, isagoo uga gol-lahaa inuu isbarbar taag u muujiyo dadkii ay waxyeellada soo gaartay.

Saraakiil ka socota FBI ayaa tegey Itoobiya si ay gacan uga gaystaan baaritaanka lagu hayo cidii ka dambeysay qaraxaas oo yaab iyo lama filaan ku noqday shacabka iyo dowlada Itoobiya.

 

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here