Sababta Dumarku Ay Ragga Uga Cimri Dheer Yihiin oo La Ogaaday

0
1173

Sababta Dumarku Ay Ragga Uga Cimri Dheer Yihiin oo La Ogaaday

Daraasad cusub oo ay sameeyeen khubaro Switzerland u dhashay ayaa lagu ogaaday in dumarku ay ka cimri dheer yihiin ragga ay tahay wax laga dheehan karo dunida oo dhan oo meel kasta lagu arki karo, taas oo ka dhigan inaaney saameyn ku haleyn kala duwanaanshiyaha bulshada ee daafaha kala duwan ee dunida ku dhaqan.

Cilmi-baarayaasha ayaa waxey arkeen in dhex-dhexaadka da’da ragga ay ka cimri gaaban yihiin dumarka 10-sano, arrintaas oo aan saameyn ku lahay isbedelka xaaladda dhaqaale iyo midda bulsho.

Khubaradan waxey shaybaar ku sameeyeen dhiigga laga soo qaaday in ka badan 1600 rag ah oo da’ ah, waxaa lagu ogaaday in cimri gaabnida ragga ay xiriir la leeyahay chromosomes Y ee ragga, waxaa caddaatay in chromosomes Y  uu aad u jilicsan yahay, dhibaato kasta oo soo waajahdana ay u keeni karto cudurro halis ah sida; kansarka oo kale.

Cilmi-baaryaashu waxey leeyihiin “Isbedelka ugu shaacsan ayaa ah inuu qofku lumiyo qaar ka mid ah unugyada dhiigga cad ee chromosomes Y. Isbedelkan ayaa ka muuqanaya xilliga uu unugu qeybsamayo ilaa uu ka gaaro xilliga qaangaarka, arrintan waxaa si cad looga arki karaa ragga da’da ah.”

 

Maandeeq FM     

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here