SIR LA HELAY : Waa Maxay Sababta Uu Madaxweyne Muuse Biixi Dib Ugu Dhigay Isku Shaandhayntii Xukuumaddiisa

0
767

SIR LA HELAY : Waa Maxay Sababta Uu Madaxweyne Muuse Biixi Dib Ugu Dhigay Isku Shaandhayntii Xukuumaddiisa

 

Hargeisa (Dalmar-News):-Warbaahinta Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay daabacayeen warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu damacsan yahay in uu isku shaandhayn ballaadhan ku sameeyo xukuumaddiisa.

Warar xog-ogaal ah oo aanu helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu hakiyay isku shaandhayntii uu damcsanaa in uu ku sameeyo xukuumaddiisa.

Mas’uul ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa warbaahinta Barigaafrikanews.com u sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu in muddo ah dib u dhigay isku shaandhayntan soo shaacbaxday.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in ka cadhooday wararka isku shaandhaynta ee dibada u baxay islamarkaana lagu faaqaday suuqa siyaasadda, waxaanu go’aansaday in uu dib u dhigo muddo aan la cayimin.

Wararka isku shaandhaynta ee dibadda u soo baxay ayaa waxa la sheegay inay sababteeda lahaayeen oo ay faafiyeen mas’uuliyiin uu Madaxweyne Muuse Biixi u balan-qaaday in uu xilal u magacaabi doono iyo shaqaale ka tirsan Madaxtooyadda.

 

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Hargeisa/Somaliland
Dalmarnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here