Dagaal Beeleed Ka Dhacay Dalka Nayjeeriya Oo Ay Ku Dhinteen 86 Qof

0
949

Dagaal Beeleed Ka Dhacay Dalka Nayjeeriya Oo Ay Ku Dhinteen 86 Qof

(DLN-Naayjeeriya)-Ugu Yaraan 86 qof ayaa ku dhimatay iska horimaadya cusub oo bartamaha naayjeeriya ku dhex maray beeraley iyo dad xoola dhaqata ah.

Iska horimaadyada oo ka dhacay gobolka Plateau wuxuu billaawday khamiista wuxuuna ku sii fiday tuulooyin badan.

Booliska ayaa waxay sheegeen in guriya badan lagu gubay waxaana ku baaba’ayday hanti aad u badan goobaha ay rabshaduhu labada dhinac ku dhex mareen.

Bandoow ayaa lagu soo rogay goobaha ay rabshaduhu ka dhaceen si rabshadahaasi loo xakameeyo.

Dagaallada beelaha oo muddaba ka soo taagnaa Naayjeeria ayaa hadda si cusub uga dillaacay dalkaasi.

Bartamaha dalka nayjeeria oo ay wada dagaan bulshooyin beeraleey iyo xoola dhaqato isugu jira ayaa inta badan waxay dagaalla ka dhasha daaqa iyo dhulka ku dhex maraan halka ay rabshaduhu ka dhaceen.

Beeraleyda ayaa waxay ku eedeynayaan dadka xoola dhaqda ah iney xoolahooda beerahooda ay galaan oo wax kasta oo ay beertaanba ay ka baab’iyaan, halka ay dadka xoola dhaqatada ahna ay ku doodayaan iney xoolahooda ay dadka beeraleyda ah aarsi ahaan uga dilaan.

Dagaallada dib uga soo cusboonaaday deegaanadaasi oo khamiisti soo billaawday waxaa ku dhintay dad ka badan 86 qof.

Eeddaha isku tuurtuurka ah waxay u gudbeen dagaallo ay kumannaan qof ku dhinteen sanadki hore rabshada noocaan ah oo kale ah oo dhacay.

Deegaannada ay dagaalladu ka dhacayaan waa dhul xuduud ah oo ay wadaagaan dhinaca waqooyi oo ay muslimiin ku nool yihiin iyo dhanka koonfureed oo ay dadka kirishtanka ku nool yihiin.

Dadka xoola dhaqdo oo ay badan tahay beesha Fulani waa muslim halka ay beesha beeraleyda ee Beron badankood yihiin dad aaminsan diinta kirishtanka.

Madaxweynaha Nayjriya Buhari oo ka soo jeeda beesha Fulani

Balse ma cadda waxa xilligan dagaallada dib u soo cusbooneysiiyey.

Madaxweynaha Nayjeeria ayaa marar badan ka cawday iney rabshadaha sii huriyaan hubka dhinaca liibiya ka soo galo deegaannadan.

Nin beesha Fulani ka tirsan oo xoola waraabinayo

Halka ay dadka qaarna eedda dusha ka saarayaan laamaha ammaanka dowladda oo ku guul darreystay kuna mashquulsan oo keli la dagaallanka kooxda Boko Haraam ee ka dagallanta waqooyiga iyo koonfurta dalka ee saliidda laga soo saaro.

 

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here