Qarax miino oo Ciidamo ka tirsan Milateriga Somaliya lagula eegtay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar

0
801

Qarax miino oo Ciidamo ka tirsan Milateriga Somaliya lagula eegtay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar

 

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga oo ka yimid dhanka magaalada Jowhar.

Sida wararku sheegayaan qaraxa miino ayaa lala beegsaday gaari kuwa Soomaalida u taqaano Tikniko oo marayay agagaarka deegaanka Gololey ee duleedka Balcad.

Wararka ayaa intaa ku daraya in saddex askari ay ku dhinteen qaraxa, halka saddex kalena ku dhaawacmeen oo uu ku jiro Sarkaal ciidan.

Inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ayaa muddooyinkii u dambeeyay ammaankeeda faraha ka sii baxayay, waxaana ka dhacayay weeraro toos ah iyo qaraxyo miino oo lala eeganayay gaadiidka ay saaran yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Bishii hore ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, waxaana weerarkaas ku dhintay labo xildhibaan iyo sagaal askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here