Maraykanka oo u direya Ethiopia khabiiro ka caawiya baaritaanka qaraxii ka dhacay Addis Ababa

0
816

Maraykanka oo u direya Ethiopia khabiiro ka caawiya baaritaanka qaraxii ka dhacay Addis Ababa

 

Maraykanka ayaa u diraya qubaro ka socda hay’ada baarista dambiyada FBI dalka Ethiopia si ay uga caawiyaan xukuumada Abiy Axmed weerarkii bamka ahaa ee lagu qaaday fagaare uu qudbad ka jeedinayay ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia.

Bam ayaa lagu weeraray fagaare ay kumanaan ruux ku soo bandhigayeen  taageerada ay u hayaan Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed iyadoo qaraxan uu dhacay waxyar kadib markii uu qudbada uu dhameeyay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.

Illaa soddon ruux  ayaa loo xirey tuhumo la xiriira ku lug lahaanshaha qaraxa ka dhacay Addis Ababa sabtidii aynu ka soo gudubnay, waxaana qaraxan ku dhintey labo ruux halka 156 kale ay ku dhaawacmeen.

Sida ay shaacisay wakaalada wararka ee FANA Xoghayaha Ganacsiga dowlada Maraykanka Gilbert Kaplan ayaa u xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibbada Ethiopia Workneh Gebeyehu in dowladiisu ay u soo direyso khubaro ku taqasustay baaritaanada qaraxyada.

Hase yeeshee ma jiro illaa iyo hadda wax war ka soo baxay safaarada Maraykanka ay ku leedahay magaalada Addis Ababa iyo weliba magaalada Washington.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here