DEG DEG : Col. Gabre oo laga eryay shaqadii uu ka hayay Urur Goboleedka IGAD

0
765

DEG DEG : Col. Gabre oo laga eryay shaqadii uu ka hayay Urur Goboleedka IGAD

 

Col. Gabre ayaa laga eryay shaqadii uu ka hayay Urur Goboleedka IGAD, kaddib qoraal ka soo baxay Xoghayaha Guud IGAD Maxbuub Macalin.

Gabre ayaa ahaa La Taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD, kaasoo xilkan loo magacaabay sanad ka hor.

Shaqo ka ceyrintiisa ayaa waxaa la daba dhigay warqad ogeysiis rasmi ah oo lagu caddeynayo in aanu wixii maanta ka dambeeya aanu shaqaale ka aheyn IGAD, isagoo lagu amray inuu wareejiyo xafiiska iyo wixii agab ee xafiiska ku howl galayay.

Col. Gabre oo ah Sarkaal Itoobiyaan ah ayaa lagu xusuustaa sida uu galaan gal badan ugu lahaa sanadihii u dambeeyay arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan waxaa uu horay uga tirsanaa Xafiiska Fududeynta Nabadgelyada iyo Dib u heshiisiinta IGAD ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here