Talibanka Afghanistan Oo Ku Dhawaaqay Hogaamiye Cusub Inay Doorteen

0
636

Talibanka Afghanistan Oo Ku Dhawaaqay Hogaamiye Cusub Inay Doorteen

(DLN-Afghanistan)-Talibanka Pakistan ayaa ku dhawaaqay hogaamiye cusub kadib markii la xaqiiiyay in taliyahoodii hore Mullah Fazlullah lagu dilay duqeeyn cirka ahoo ay sameeyeen diyaarad nooca Dronska loo yaqaan ee Maraykanku leeyhaay todobaadki lasoo dhaafay. Waxa ay magacaabeen Mufti Nuur Wali Mehsud in uu noqdo Madaxooda cusub.

Waa markii ugu horeeysay oo Talibanka Pakistan ay qirtaan in hogaamiyahoodii hore, Mullah Fazlullah, lagu diley weerar gantaal oo ka dhacay gobolka Kunar ee dalka Afqaanistaan.

Hogaamiyahani ayaa waxa lala dilay afar abaanduule oo kale ka dib markii ay mareykanka la bar tilmaameedsadeen weerar dhanka cirka ah.

Tira ka tirsan hogaamiyayaasha Pakistaan ayaa afar sano ka hor u cararay dhanka xuduuda Afqaanistaan kaddib markii militariga Pakistaan ay fuliyeen howlgalo ka dhan ah Dalibanta Pakistan.

Hogaamiyaha cusub ee Taliban Mufti Noor Wali Mehsud ayaa waxa uu ka soo jeedaa gobolka ku yaalla Koonfurta Pakistaan ee Waziristan, waxaana jira warar sheegaya in hogaankiisa uu mideyn karo dhninacyada khilaafka uu ka dhaxeeyo ee Daliban.

 

 

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here