Khilaaf U Dhexeeya Guddoomiyaha Iyo Xoghayaha Wakiillada Oo Ragaadiyay Shaqadii Golahaasi

0
950

Khilaaf U Dhexeeya Guddoomiyaha Iyo Xoghayaha Wakiillada Oo Ragaadiyay Shaqadii Golahaasi

 

Maalmihii u dambeeyey waxa uu khilaaf xooggani soo kala dhex-galay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Xoghayaha guud ee golahaasi Cabdirisaaq Siciid Ayaale.

Khilaafkan ayaa waxa uu sababay in uu hakad ku yimaado shaqadii iyo habsami u socodkii golaha wakiillada.

Khilaafkan ayaa waxa uu ka abuurmay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhanka kharashaadka golaha iyo hab maamulkii golaha wakiillada Somaliland.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegay in xoghayaha guud ee golahaasi Cabdirisaaq Siciid uu si ka baxsan nidaamka golaha u isticmaalay kharash loogu tallo-galay golaha isla markaasina guddoomiyaha goluhu markii uu arrintani ka war helay uu u yeedhay muran kaddibna uu halkaasi khilaaf iyo is-afgarasho la’aani ka abuurmay.

Xoghayaha wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa awood aan qarsoonayan kulahaa wakhtigii Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu ahaa guddoomiyaha golahaasi, waxaanu si dadban iyo si toos ah-ba u maamuli jiray hawl-maalmeedka golahaasi. Marar kala duwan ayaa waxa ay iskaga hor-yimaadeen guddoomiyihii golaha wakiiladda ee wakhtigani oo ahaa guddoomiyaha ku-xigeenka golahaasi.

Baashe Maxamed Faarax guddoomiye Wakiillada ayaa markii uu ku guulleystay codka golaha wakiillada waxa uu markiiba u haw-galay dardargelinta shaqada waxaanu la kulmay caqabado badan oo aanu awood u lahayn markii hore, taasi oo gacantiisa ay ku jirto xoghaye Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Khilaafkan ayaa horseedi kara in xilka qaadis lagu sameeya Xoghayaha golaha wakiillada oo si sharciga ka baxsan u adeegsanaya awoodii qaranka.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo an muddo kulan la yeelan xoghayaha golahaase ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaatay, lamina oga arrimaha ay ka wada-hadleen iyo waxa ay isla qaateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here