Wararkii ugu dambeeyay doorashada Turkiga Erdogan oo ku horeeya

0
945

Wararkii ugu dambeeyay doorashada Turkiga Erdogan oo ku horeeya

 

Tirinta codadka ayaa  ka bilaabatay dalka Turkiga kadib markii doorashadii ugu horeysay ee hal mar loo codeeyo heer Baarlamaan iyo Madaxtooyada loo dareeray maanta.

Inkabadan 56 malyan oo ruux ayaa loo diiwaangeliyay inay codeyn karaan  doorashadan iyadoo 180,000 oo goobood dadka ay codadkooda ka dhiibanayeen.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa raadinaya in uu wareegga ugu horeeyaba ku guuleysto cod aqlabiyad leh  isagoo hogaaminaya xisbiga talada haya ee Horumarka iyo Cadaalada  (AK Party).

Hase yeeshee waxaa shaki galinaya olole xoog  leh oo ay mucaaradka siiba xisbiga uu hogaamiyo Muharrem Ince ay sameeyeen.

Doorashada Baarlamaanka oo la tiriyay 8.1 boqolkiiba ayaa waxaa ku horeeya xisbiga talada haya ee AK isagoo helay  67.06 boqolkiiba, xisbiga Nation Alliance ayaa ku guuleystey  23.64 boqolkiiba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here