46-sano Kadib: Waxaa Dhintay Daanyeerkii ‘Koko’ Ee Xariifka Ku Ahaa Luqadda Dhagoolayaasha

0
1258

46-sano Kadib: Waxaa Dhintay Daanyeerkii ‘Koko’ Ee Xariifka Ku Ahaa Luqadda Dhagoolayaasha

 

Da’deedu waxey ka sii gudbeysay 46-sano, waxaa dhimatay daanyeertii “Gorilla Koko” oo dunida oo dhan caan ka noqotay, luqadda tilmaanta oo ay ku wanaagsaneyd darteed, waa sida lagu xusay bayaan ay soo saartay hay’adda Gorilla Foundation oo gacanta ku haysay daanyeerka.

Koko, ayaa waxa ay dhalatay July 4, 1971, beerta ku taalla San Francisco Park, “Hurdada ayaana ay naftu kaga baxday”, sida bayaanka lagu sheegay.

Laga soo bilaabo 1972, cilmi-baare ku takhasustay cilmi-nafsiga xoolaha oo la yiraahdo Francine Patterson ayaa Koko bartay luqadda tilmaanta (Sing Language), inta aan la geyn Jaamacadda Stanford, halkaas oo looga sameeyay xarunta daraasaadka daanyeerka ah.

Daanyeertan ayaa waxa ay xifdisaneyd in ka badan 1000 kalmadood, waxey soo jiidatay dad badan oo ka tirsan sawirlayaasha documentary-ga sameeya, adduunka oo dhanna caan ayey ka noqotay.

Waxaa caanimada daanyeertan sii kordhiyay, waxa ay saaxiib dhow la ahayd bisad ay aad iskugu dhawaayeen, markii bisaddaa uu gaari jiiray bilo ayey darteed u murugeysneyd.

 

 

 

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here