C/weli Gaas oo maanta khudbad u jeedinaya Baarlamaanka Puntland iyo muddo kororsi la hadal haayo

0
651

C/weli Gaas oo maanta khudbad u jeedinaya Baarlamaanka Puntland iyo muddo kororsi la hadal haayo

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta khudbad u jeedin doona Baarlamaanka Puntland oo maanta yeelanaya fadhi xasaasi ah, kaddib markii muddooyinkii u dambeeyay uu fasax ku maqnaa.

 

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Garowe khudbada Madaxweyne Gaas ayaa ah mid dhinacyo kala duwan uga hadlayo xaaladda Puntland, iyadoo si gaar ah isha loogu haayo, loona wada sugayo.

 

 

Arrimaha la filayo inuu ka hadlo Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ka mid ah Arrimaha Amniga Puntland iyo xiisada Gobolka Sool, gaar ahaan dagaalka Tukaraq.

 

 

Wariyeyaasha Garowe ayaa soo sheegaya inay jirto hadal heyn ku aadan muddo kororsi uu sameeyo Baarlamaanka Puntland, isla markaana doorashada la filayo in horaanta sanadka cusub ay ka dhacdo Puntland ay suura geli weydo.

 

 

 

Siyaasiyiin iyo Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa uga digay Madaxweyne Gaas inuu sameeyo muddo kororsi xileed, isla markaana uu dib u dhigo hankii iyo rajadii Puntland u qabtay is bedel ku yimaada hoggaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here