Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shirka madaxda Ururka Goboleedka IGAD

0
719

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shirka madaxda Ururka Goboleedka IGAD

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay shirka 32aad ee aan caadiga aheyn ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD, kaasoo gelinka dambe ee maanta ka furmay Addis Ababa.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii xal loogu heli lahaa colaada sokeeye ee ka jirta Koofurta Sudan, iyadoo Madaxweynaha Koofurta Sudan iyo xubnaha mucaaradka ay ku sugan yihiin Addis Ababa.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa marti geliyay Madaxweynaha Koofurta Sudan iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka Reik Machar, kuwaasoo markii u horeysay kulmay muddo labo sano ah.

Urur Goboleedka IGAD ayaa sanadihii u dambeeyay waday dadaalo lagu soo afjarayo colaada sokeeye ee ka jira Koofurta Sudan, kaddib markii dhamaadkii sanadkii 2013 uu ka qarxay dalkaas, kaasoo sababay dhimasho badan, barakac iyo xaalado bani’aadanimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here