Booliiska Dalka Hindiya Oo Raalli-galin Ka Bixiyey Nin Si Xun Loo Dilay

0
669

Booliiska Dalka Hindiya Oo Raalli-galin Ka Bixiyey Nin Si Xun Loo Dilay

(DLN-Hindiya)-Booliiska gobolka Waqooyiga Hindiya kuyaal ee Uttar Pradesh ayaa raalli galin ka bixiyey sawir laga qaaday nin ay jiidayaan koox dad ah oo ay weheliyaan saddex sarkaal oo booliis ah arrintaas oo dhalisay caro ballaadhan.

 

 

Dhibbanaha, oo lagu magacaabo Kasim, ayaa geeryooday intii Cisbitaalka loo sii waday, kadib markii sawirka muranka dhaliyey laga qaaday.

 

Booliiska ayaa sheegay in la garaacay kadib markii uu dhacay muran ka dhashay shil mooto oo aan saas u sii waynayn . Waxa ay beeniyeen wararka sheegaya in uu weerar ku qaaday dadka lo’da gawraca.

 

Booliiska gobolkaas ayaa raali galintooda ku daabacay bartooda twitter-ka.

 

Madaxa Booliiska ee gobolkaas Waqooyiga Hindiya kuyaal, Rahul Srivastava, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in sawirradu ay ahaayeen kuwo la marin habaabiyey, booliiskuna aanay taageersanayn khaarijinta qof aanan sharciga la marin.

 

“sawirradu waxay muujinayaan ninka oo dhulka lagu jiiday, booliiskuna aanay waxba ka qabanayn, balse taas maahan run, dadka ayaa doonayey in ay ninka weeraraan, booliiskuna waxay isku dayayeen in ay ka celiyaan, si kasta ha ahaatee waxay ahayd inay taxadar badan ka muujiyaan qaabka ninka loo qaaday iyo daryeelkiisa” ayuu intaas kudaray

 

 

Si kastaba ha ahaatee raali galintaan ayaa dadka qaar cambaareeyeen laguna tilmaamay marmarsiiyo jilicsan marka loo eego wixii dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here