Daawashada Ciyaar kamid ah Koobka Aduunka oo sababtay dhimashada afar qof

0
754

Daawashada Ciyaar kamid ah Koobka Aduunka oo sababtay dhimashada afar qof

 

Dalka Ruushka waxaa xiligan si xiiso badan uga socda ciyaaraha Koobka Aduunka, waxaana sanadkan ciyaaraha yihiin kuwa aad u xiiso badan oo si weyn looga daawanayo daafaha dunida.

 

Ciyaar kamid aheyd Koobka Aduunka oo lagu ciyaaray Ruushka ayaa gudaha dalka Uganda gaar ahaan xero ay ku nool yihiin qaxooti kasoo qaxay Koonfurta Sudan sababtay dagaal gacan ka hadal oo dhimasho dhalisay.

 

 

Goob lagu daawanaya ciyaartii xiisaha badneyd ee dhax martay Xulalka Brazil iyo Switzerland ayaa waxaa ka dhacay isku dhac dhax maray dhalinyaro ciyaaryaataasi daawaneysay oo kursi isku qabsatay.

 

 

 

Booliiska Uganda ayaa sheegay in isku dhaca ciyaarta oo ka dhacay xerada qaxootiga Rhino ee ku taalla woqooyi galbeed Uganda uu sababay in gacmaha la isula tago, waxaana halkaasi ku dhintay afar kamid ahaa kooxihii dagaalamay halka tiro kala dhaawacmeen.

 

 

 

Afhayeen u hadlay booliska Uganda ayaa sheegay in gudaha xerada Rhino qaxootiga Koonfurta Sudan la kala saaray dadka ka soo kala jeeda qabaa’ilada Dinka iyo Nuer cabsi laga qabo in rabshado aargoosi ah ay halkaasi ka dhacaan.

 

 

Booliiska ayaa sidoo kale xabsiga dhigay 17 qof oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen rabshadaha sababay dhimashada afarta qof oo lagu dilay budad iyo faasas, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in rabshado ka dhacaan gudaha xeradaasi.

 

 

 

 

Goobaha lagu daawado ciyaaraha ay wada joogaan taageeraaasha iska soo horjeeda ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca rabshado dhax mara taageerayaasha labada dhinac ee halka goob ciyaarta ku daawanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here