Google oo Horumarineysa “Garaad Smarts” Ah oo Sheegaya Xilliga Aad Dhimaneyso!

0
947

Google oo Horumarineysa “Garaad Smarts” Ah oo Sheegaya Xilliga Aad Dhimaneyso!

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shirkadda Google ayaa horumarin ku sameysay nidaam garaad smarts ah oo cusub, kaas oo sheegaya 95% in bukaanku uu isbitaalka kaga baxayo 24-saac iyo in kale, cilmi-baaryaashu waxey tilmaamayaan in nidaamku uu noqon doono mustaqbalka mid sheegi kara xilliga uu bukaanku geeriyoonayo.

 

 

 

Si uu saadaalinta u sameeyo waxa uu barnaamijkani adeegsanayaa xogo sida; dhididka bukaanka, da’da, jinsiga uu yahay, baaritaannadii hore loogu sameeyay, natiijooyinka shaybaarka iyo calaamadaha nolosha ee korkiisa ka muuqda.

 

 

 

Waxa barnaamijkan ka dhigaya mid awood badan ayaa ah in uu ku shaqeeyo data casri ah oo aan horey loo tijaabin, sida; araahda dhakhatarka oo habka PDF u diyaarsan iyo xogo kale, garaadka samarts-ka ee cusub ayaa sidoo kale sheegaya mudada uu bukaanku ku jirayo isbitaalka.

 

 

 

Nidaamkan ayaa maraya bilowgiisii hore, waxaa suuraggal ah in loo adeegsado waxyaabo badan oo muhiim ah sannooyinka soo aaddan.

 

 

 

Sida uu sheegayo website-ka “Cnet” ee dalka Mareykanka ka soo baxa, garaadkan smarts-ka ayaa waxaa horumarin lagu sameeyay iyadoo la kaashanayo khubaro ka tirsan jaamacadda California oo ku sugan san Francisco, khubarada caafimaadka Stanford, Jaamacadda Caafimaad Chicago.

 

 

Google ayaa waxey heshay xogo aan xad lahayn oo ku saabsan 216,221 oo dad qaangaar ah, oo ay la socoto 46 billion oo xogo dheeraad ah, cilmi-baaryaasha ayaa sheegaya in faa’iidada ugu weyn ay tahay habka uu nidaamku u adeegsanayo xogaha la uruuriyay.

 

 

 

 

 

Maandeeq FM  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here