5 Caado oo Waxyeelleysa Caafimaadka Kalyaha

0
957

5 Caado oo Waxyeelleysa Caafimaadka Kalyaha

 

 

 

 

 

 

 

Dhakhaatiir ka tirsan Jaamacadda Moscow ayaa waxey diyaariyeen liis caadooyin saameyn taban(negative) ku yeesha shaqada kalyaha iyo caafimaadkooda.

 

 

 

Liiska ay dhakhaatiirtan soo diyaariyeen waxaa ka mid ah 5 tan caado oo dadku ay u badan yihiin dhibaato xooglehna u geysta kalyahay:

 

 

 

1- In xanuun baabi’iyaha la badsado:

 

 

 

Dhakhaatiirtan ayaa caddeeyay in xaruun baabi’iyaha si xoog leh loo isticmaalo uu daal farabadan u keeno kalyahay oo ku dhibaatoonaya qaabiladda waxyaabaha ay daawadaasi ka kooban tahay.

 

 

 

2- Cusbada tirada badan:

 

 

 

Cilmi-baarisyo caafimaad oo hore ayaa ka digaya isticmaal tirada badan ee cusbada/milixda raashinka lagu daro, waxey kor u qaaddaa cadaadiska dhiigga, shaqada kalyahana si aan wanaagsaneyn ayey u saameysaa, waxeyna ku kordhisaa in kalyahay ay dhagxaan yeeshaan.

 

 

 

3- Biyo yarida:

 

 

 

Biyo yaridu waxey nidaamka cunnada jirka u horseeddaa mashaakilallo tiro badan, dhiigga ayaa fariista, cadaadiskiisa ayaa kor u kaca, derbiga gudaha ee xidada ayuu dhiig fariistaa, ku darso waxa uu dhibaato u geystaa qashin saarka ay kalyuhu suntan jirka dibaddiisa uga saaraan.

 

 

 

 

4- Hurdo yarida:

 

 

Khubaradu waxey sheegayaa in hurdo yaridu ay saameyn taban ku yeelato jirka si guud, shaqada kalyahana ay dhibaato u geysto.

 

 

 

5- Hilibka badan:

 

 

 

Dhakhaatiirtu waxey sidoo kale, ku talinayaan inaan hilibka la badsan, gaar ahaan nooca casaanka ah, maxaa yeelay; xilliga Protein metabolism-ka waxey daal badan u horseedaan kalyahay iyo beerka.

 

 

 

 

 

 

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here