Madaxweyne Erdogan oo maanta kusii jeeda dalka Iran iyo Madax kala duwan oo dalkaasi…

0
22

Madaxweynaha dalka Türkiye, Rajab Dayib Erdoğan ayaa maanta oo Khamiis ah kusii jeeda dalka Iran, waxa uuna Madaxweynaha dalkaasi kaga qeyb galaya aaska Madaxweynihii Iran ee shilka diyaaradeed ku dhintay.

Afhayeen u hadlay dowladda Turkiha ayaa sheegay in Madaxweyne Erdogan iyo masuuliyiin kale maanta tagayaan Iran, waxa ayna kaga qeyb galayaan halkaadi aaska loo sameenayo Madaxweyne Raisi iyo dadkii kale ee la dhintay.

Dalka Iran waxaa kusii qul qulaya madax iyo wafuud kala duwan , kuwaa oo dalkaasi u tagaya in ay dowladda usoo tacsiyadeeyaan ,sidoo kale ka qeyb galaan aaska Qaran ee Madaxweynuihii geeriyooday lkoobsameenayo.

Maanta oo Khamiis ah ayaana lagu wadaa in Madaxweynihii Iran Ebrahim Raisi lagu aaso magaaladii uu ku dhashay ee Mash-had oo ku taalla W/bari ee dalkaasi waxaan adalka ran wali ka socota baroordiiq loo sameenayo Madaxweynaha iyo dadkii la dhintay.