Dowlad shaacisay in safaarad ka furanayaan magaalada Ramallah ee dhulka Falastiin

0
24

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Columbia, Luis Murillo ayaa u sheegay weriyayaasha inuu Madaxweyne Gustav Petro bixiyey tafaasiisha sidii safaarad looga furi lahaa xuduudaha Reer Falastiin, gaar ahaan magaalladda Ramallah oo ku taalla deegaanada Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.

Bilowgii bishan, Madaxweynaha dalka Columbia waxa uu ugu baaqay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ee ICC inay soo saaraan Amar lagu soo xirayo Ra’isul-wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Isniintii la soo dhaafay, dacwad-Oogaha Guud ee Maxkamadda ICC waxa uu codsaday Amarro lagu soo xirayo Ra’isul-wasaaraha Israel, Wasiirkiisa Difaaca iyo Hoggaamiyayaasha Sare ee Ururka XAMAAS.

Si kastaba, Shaacinta Columbia inay Safaarad ka furana doonaan magaallada Ramallah ee Falastiin waxay ku soo beegantay isla shalay oo ay Dowladaha Ireland, Norway iyo Spain ku dhawaaqeen inay si Rasmi ah u ictiraafi doonaan Dowladda Falastiin.