Israaiil oo lacag aad u badan ku bixisay dagaallada ay gashay muddo sanad ka yar

0
30

Israaiil ayaa dhaqaale aad u badan waxa ay ku bixisay dagaallada ay ka dhex wado Bariga Dhexe laga soo billaabo 7dii Oktoobar sanadkii hore 2023 xiligaas oo dagaalameyaal katirsan Xamaas ay weerar welwel badan geliyay Yuhuudda ku qaaday Xeryo iyo magaalooyin ay ku xoogganaayeen kuna soo kaxaysteen maxaabiis qaarkood ilaa haatan ay haystaan.

Yuhuudda oo aad uga carootay jabkaas gaaray ayaa maalmo kaddib duqaymo iyo weerarro dhinaca dhulka ah ku gashay Magaalooyin ay ugu wayn tahay Gaza, halkaas waxaa kasoo gaaray jab kale oo wayn oo waxaa uga dhintay ciidamo aad u badan, saraakiil, waxaa laga gubay Taangiyadii ay ku faanaysay ee dhaqaalaha badan ugu fadhiyay.

Waxaa sidoo kale diiwaanka u galay xasuuqa ay gaysatay iyada oo militarigeeda ay beegsadeen Goobaha Caafimaadka, Waxbarashada, Xeryaha ay degen yihiin Dadka ay horay u sal-kiciyeen iyo meel weliba oo lama-taabtaan ka ahaa dhinaca Hay’adaha sheegta in ay u doodaan xuquuqda aadanaha iyo kuwa Qaramada Midoobay.

Maraykanka ayaa ah dalka dhaqaalaha badan ka sameeyay dagaalladaan ay Israaiil faraha la gashay waxaana uu si isdaba-joog ah uga iibiyay hub, Diyaarado dagaal, qalabka dagaallada loo adeegsado ee Militariga & wax weliba oo Israaiil ay u aragtay in ay isaga caabin karto dhibaatooyinka ku socda.

Weerarro ayay ka gaysatay Dalalka Lubnaan, Suuriya, Ciraaq iyo Iiraan waxaana dhammaan ka dhashay falcelin ay ugu dambaysay gantaaladii dhowaan Xukuumadda Tehran ay ku beegsatay xeryaha iyo saldhigyada Ciidanka Yuhuudda ay degen yihiin waxaana weli laga cabsi qabaa halis kale oo intaas ka wayn.

La soco wixii kasoo kordha