Biden oo olole xooggan ugu jira meel marinta Lacag badan oo Israa’iil ugu deeqayaan

0
23

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa olole xooggan ugu jira sidii Aqalka Congress-ka u meel-marin lahaayeen deeq lacageed oo balaayiin dollar gaareysa oo Mareykanka ku caawinayo Israa’iil.

Biden ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha Congress-ka in ay meel mariyaan sharciga qarashka gar gaar ee gaareysa $14bn ee Israa’iil la siinayo, kaddib weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil.

Lacagtan Mareykanka ugu deeqayo Israa’iil ayaa lagu doonayaa in lagu hormariyo nidaamka difaaca ee Israa’iil, waxaana la tuhmayaa in Israa’iil weerarka ay ku qaaday qunsuliyadda Iran ee Syria in ujeedku ahaa sidii lacagtan u heli laheyd marka Iran weerarkaasi ka jawaabto.

Afhayeenka Aqalka Jamhuuriga Mike Johnson oo la hadlay Madaxweyne Biden ayaa u sheegay Fox News in xisbigiisu uu fahamsan yahay “baahida loo qabo in la garab istaago Israa’iil” iyo inuu isku dayi doono inuu horumariyo xirmada kharashka usbuucan.

Maamulka Biden wuxuu ku cadaadinayey Aqalka ay maamusho Jamhuuriga inuu meel mariyo $ 95bn ee xirmada kharashka amniga qaranka Mareykanka, lacagtan oo loogu tala galay in lagu taageero Israel, Ukraine iyo Taiwan.