Netanyahu oo qalliin lagu sameeyay & xaaladdiisa Caafimaad oo xog laga helay

0
67

Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu oo la dhigay Isbitaalka Hadassah ee ku yaalla Magaalada Qudus ayaa qalliin lagu sameeyay kaddib markii Dhaqaatiirtu ay usoo jeediyeen in uu qalliinkaas maro maadaama jirkiisa lagu arkay calaamado muujinaya hernia.

Netanyahu ayaa kahor inta uusan qalliinkaas gelin waxa uu xilka si kumeel-gaar ah ugu wareejiyay Wasiirkiisa Caddaaladda maadaama loo baahan yahay qof sii wada howshii uu yahay sida uu hadalka udhigay Xafiiskiisa.

Qoraal wadajir ah oo ay soosaareen Dhaqaatiirta Kiiskiisa gacanta ku haysay iyo Xafiiskiisaba waxaa lagu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay balse weli aanay loo ogolaan in uu gurigiisa tago.

Suuxdin dhammaystiran ayaa lagu sameeyay Benjamin Netanyahu waxaana la qiimaynayaa sida daawadaas lagu suuxiyay ula falgalayso jirkiisa maadaama Wadnihiisa horay loogu xiray qalabka xoojinaya garaaca uu samaynayo.

La soco wixii kasoo kordha