Madaxweyne Erdogan oo qirtay in guuldarro weyn kasoo gaaraty Doorashadii shalay

0
63

Xisbiga ugu weyn mucaaridka dalka Turkiga, ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay doorashooyinki dowladaha hoos ee Axaddii shalay ka dhacay guud ahaan 81-ka gobol ee dalkaasi.

Xisbiga CHP ayaa dib ugu guuleystay guud ahaan magaalooyinka Istanbul, Ankara iyo Izmir, sidoo kalana ka fara-maroogsaday xisbiga talada haya ee AKP magaalooyin uu aad ugu xooganaa isla markaana ay taladoodu hayeen ka hor doorashadi shalay.

Guusha CHP ayaa dhabar jab weyn ku ah madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, iyo xisbigiisa AKP oo rajo ka qabay, in ay dib u soo ceshadaan caasimadda ganacsiga ahna magaalada ugu weyn ee Istanbul, oo gacantooda ka baxday sannadki 2019-ki.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Dowladda Turkiga ee Anadolu, duqa magaalada Istanbul Ekram Imamoglu oo ka socda xisbiga mucaaridka ee CHP ayaa codbixinti Istanbul ee shalay ka helay 50.6%, halka murashaxi matalayay xisbiga AKP uu Murat Kurum, oo horay u soo noqday wasiirka deegaanka uu helay booqolkiiba 40.5%.

Magaalada Ankara ayaa waxaa isna dib ugu guuleystay duqa magaalada Mansur Yavas, Yavas oo ahaa duqa Ankara tan iyo sannadki 2019-ki ayaa isna ka tirsan xisbiga CHP. 25 boqolkiiba ayuu kaga badiyay murashaxi kula tartamayay doorashadi shalay.

Guud ahaan CHP ayaa doorashadi Axadi shalay dhacday ku guuleystay ilaa 36 gobol, oo ka mid ah 81-ka gobol ee dalka Turkiga. Taasoo uga dhigan guushi ugu weyneyd ee ay ka gaaraan madaxweyne Erdogan tan iyo marki uu tala Turkiga la wareegay sannadki 2002-di.

Khudbad uu xalay ka jeediyay balakoonka qasriga madaxtooyada ee magaalada Ankara, ayuu madaxweyne Erdogan ku qirtay guuldarrada xisbigiisa kasoo gaartay doorashooyinki dowladaha hoos ee Axadi dhacay.

Wuxuu sheegay in shacabka uu farriin diray, farriintaas oo uu xisbigiisu falanqeyn iyada oo si geesino leh naftooda u dhaleeceyn doono.

“Nasiib darro, sagaal bilood kaddib guushii doorashadi 28-ki May, waanu heli weynay natiijadi aan ka rabnay doorashadan dowladaha hoose. Qaladaadkeena dib ayaan u sixi doonnaa isla markaana toosin doonnaa wixi aan gafnay.”

Doorashadan ayaa loo arkaa mid tijaabo u aheyd mucaaradka oo raja ka qaba, in doorashada madaxtinimada ee sannadka 2028-ka ay uga guuleystaan xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP.

Source VOA