Baarlamaanka JFS oo maanta lagu wado in uu u codeeyo cutubyo kamid ah Dastuurka KMG ah.

0
41

Baarlamaanka JFS oo maanta lagu wado in uu u codeeyo cutubyo kamid ah Dastuurka KMG ah.

Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in uu u codeeyo qabyotirka dhowaan lagu sameeyay cutubyo katirsan Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka oo kulamadii u dambeeyay ay ka doodayeen Xildhibaannada & Senatarada Baarlamaankaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay in fadhigooda maanta ay soo xaadiraan waxaana ay u codaynayaan cutubyadaas doodaha ay ka yeesheen isla markaana waxyaabaha laga baddelayo ay ku dareen intii ay soo jeedinta samaynayeen xubnaha Baarlamaanka.

Cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad waa cutubyadii ugu horreeyay ee qabtyo-tirka lagu sameeyay waxaana Labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u gudbiyay Guddiyada Baarlamaanku uu u wakiishay iyo kan Madaxabannaan oo ugu dambayn aqalka golahooda dhex geeyay.

Haddii Baarlamaanka uu u codeeyo afartaan cutub ee Dastuurka Dalka waxaa markale loo gudbin doonnaa cutubyo kale oo qabyo-tir lagu samaynayo sida ay sheegeen xubnaha Guddiyada howshaan faraha ku haya si Dalka uu uga baxo ku dhaqanka Dastuur Kumeel-gaar ah oo muddo dhowr howshiisa ay furan tahay.

Tallaabadaan waxaa dood ka keenay Xildhibaannada qaar, Madax dalka horay xilal uga soo qabatay iyo Dowlad-Goboleedka Puntland oo aanay qayb ka ahayn kulamadii ugu dambeeyay Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha dhowr ah uga hadleen.

La soco wixii kasoo kordha