Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta go’aan ka soo saareysa dacwadda Sayid Cali

0
34

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fadhiisatay go’aan ka dhan ah nin lagu soo eedeeyay in uu xaaskiisa gubay oo markii dambe sababtay in ay u geeriyooto, taasoo lagu tilmaamay mid ka mid ah dacwadihii ugu adkaa ee soo mara garsoorka Soomaaliya.

Saydi Cali oo ah Ninka qabay Luul Cabdicasiis oo ahayd Hooyo xaamilo ayaa lagu eedeeyey in uu gubay xaaskiisa, kaas oo argagax ku abuuray bulshada dhexdeeda. Maxkamadda gobolka Banaadir oo garwaaqsan muhiimadda kiiskan ayaa ku dhawaaqday inay go’aan ka gaari doonto maanta oo Arbaca ah, taasoo iftiiminaysa natiijada dhacdadan naxdinta leh.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo March 2, 2024-ka soo saartay warsaxaafadeed ayey ku muddaysay maanta galdacwadeedka loo hayso Sayid Cali Macallin Daa’uud, iyada oo xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayey ay fartay in ay ka soo qeyb galay ku dhawaaqista go’aanka kiiskaan.

Dhagaysiga maxkamadda gobolka Banaadir oo socday muddo laba todobaad ayaa lagu wadaa in maanta Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saarto go’aankii ugu dambeeyey, xilli maydka marxuumad Luul uu ku jira talaajad in ka badan 30 berri, iyada oo Qoyska marxuumadda ay sheegeen in ay aasi doonaan gabadhooda illaa ay Maxkamadda go’aan ka soo saaraysa.

Kiiskaan ayaa hadalhayn badan waxa uu ka dhaliyey bulshada dhexdeeda, iyada oo siyaabo kala duwan ay uga wada hadleen dadka deegaanka, taas oo markii dambe sababtay in magaalada Muqdisho ay ku soo bataan dhacdooyinka la xiriira arrimaha Qoyska.