DEG DEG: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun culus ku riday Sayid-Cali Macalin Da’ud

0
62

DEG DEG: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun culus ku riday Sayid-Cali Macalin Da’ud

Maxkamadda G/Banaadir ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska uu eedeysanaha ka yahay Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu xaaskiisa gubay.

Waxaa hoolka maxkamada ku sugan ehelada Marxuumad Luul C/casiis iyo eedeysane Siid Cali, sidoo kale dadweyne fara badan oo kiiskan daneynaya ayaa jooga Maxkamada.

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay in ka dib markhaatiyaal iyo cadeymo la hor keenay Maxkamada lagu xukumay Sayid-cali Macalin Daa’uud dil toogasho ka dib markii lagu helay inuu si ulakac ah u gubay xaaskiisa.