Ehelka Maxaabiista u xiran Xamaas oo kordhiyay dibadbaxa ka dhanka ah Xukuumadda Israaiil

0
37

Kumanaan qof oo u badan Ehelka Maxaabiista gacanta ugu jirta Dhaqdhaqaaqa Xamaas tan iyo 7dii Oktoobar sanadkii hore 2023 ayaa dibadbax lug ah oo qaatay 4 cisho waxa ay ku gaareen Magaalada Qudus.

Dadkaan ayaa xirtay waddooyinka muhiimka iyaga oo u socda si aanay suuragelineen in la dhinac maro waxaana joogsaday isu socodka Gaadiidka sida ka muuqaata muuqaallo iyo sawirro ay kasoo qaadday Warbaahinta.

Waxa ay qaarkood wataan boorar ay ku hardhan yihiin ereyo ka dhan ah Xukuumadda Netanyahu oo waxa ay ku dhaliilayaan in ay ka gaabisay soo daynta xubnaha ehelkooda ee afduubka lagu haysto.

Sidoo kale qaar kale ayaa sheegay in aanay ka warqabin xaaladda Dadka ka maqan oo mararka qaar ay helaan fariimaha ka imaanaya Xarakada Xamaas sida in ay sheegto in ay waayeen xiriirka la haystayaasha iyo dadkii gacanta ku hayay.

Xaaladda adag ee dhinaca gaajada ah waa mid kale oo welwel xooggan gelinaysa sii noolaashiyaha Dadkooda ka maqan oo aanay jirin goob ay kala xiriiraan iyo cid ay kala xaajoodaan waana tan keentay in ay dibadbaxaan.