Ma run baa in taleefanka qoya lagu qallajin karo Bariiska?

0
56

Talada caanka ah ee ah in taleefanka iPhone-ka marka uu qoyo lagu qallajiyo ama la dhex geliyo bariiska ayey khubarradu ku tilmaameen mid aan sax ahayn.

Shirkadda taleefannada soo saarta ee Apple ayaa shaacisay in ay tahay fikrad qaldan in taleefannada lagu dhex rido bariis si ay u qallalaan.

Khubarada ayaa in muddo ah uga digayay isticmaalayaasha in ay tahay wax aan shaqaynayn ama dadku ay iska dhaadhiciyeen.

Sidoo kale shirkadda soo saarta taleefannada Iphone-ka ah ayaa soo saartay qaab ama hage ku wargelinaya isticmaaleyaasha in farsamadani ay dhaawici karto qalabkooda sababo la xiriira walxaha yaryar ee ku dhex jira bariiska.

Taa baddalkeeda, waxaa lagula talinayaa dadka isticmaala inay isku dayaan inay si tartiib ah u garaacaan taleefanka si ay biyuhu uga soo dareeraan iyadoo daloollada taleefanku ay dhanka hoose u jeedaan isla markaana ay waqti yar siiyaan si uu u qallalo.

Inkasta oo horumarka tignoolajiyada ee taleefannada ay yihiin kuwo casri ah, haddana hababka caadiga ah ee lagu qallajiyo marka ay qoyan yihiin ayaa ah kuwa aan casri ahayn, ama aan si gaar ah looga taxadarin.

Fikradda ah in taleefanka la dhex geliyo bariiska waxay ka timid sawir qaadista adduunka. Sida laga soo xigtay goobta tignoolajiyada The Verge, habkaas ayaa la isticmaalay tan iyo 1940-meeyadii si kamaradaha iyo waxa ay duubeen looga ilaaliyo qoyaanka xilliyada la joogo meelaha kulaylaha ah ama cimiladu aaney wanaagsaneyn.

Laakiin sannado badan, khubaradu waxay tilmaameen in qoyaanka ay miraha bariiska ka nuugi karaan taleefanka aanay wax saamayn ah ku yeelanayn telefoonnada qoyan.

Maxay leeyihiin hagayaasha Apple?

Marka laga soo tago ka fogaanshaha jawaannada bariiska, Apple waxa kale oo ay kula talisaa macaamiisheeda in aan la qalajin talefanka qoyan iyada oo la isticmaalayo ” hawo kulul ama hawo afuuf ah iyo wax la mid ah”.

“Isticmaalka waxyaabaha kale ee saameynta keeni kara, sida suuf ama shukumaan, sidoo kale waa in aan la gelin telefoonka”, ayey ku Talisay shirkadda Apple.

Sidoo kale waxa ay ku Talisay in taleefanka looga tago “meel qallalan oo hawo leh” isla markaana aan la gelinin wax jaajar ah.

“Waxay qaadan kartaa ilaa 24 saacadood in si buuxda loo qallajiyo,” Apple ayaa tiri.

Marka aaladda ama taleefanka qudhiisa uu ogaado in biyo ay galeen waxa uu muujinayaa calaamad ama digniin muujineysa in aadan jaajar gelinin.

Baraha bulshada ayaa lagu arkaa dad badan oo caan ah isla markaana tartanno ku sameynaya taleefannadooda iyaga oo biyo ku ridaya xilli shirkadda Iphone ay horay u sheegtay in noocyada taleefannadii dambe aysan biyo geli doonin waqti kooban haddii lagu hayo.

Dhammaan aaladaha Apple ee ka bilaabma iPhone 12 waxay awood u leeyihiin inay u adkeystaan dhexgalka biyaha ilaa qoto dheer oo ah lix mitir, ugu badnaan muddo nus saac.

Laakiin kuwa haysta taleefoonka hore waa inay ogaadaan in bariiska uusan shaqeynin haddii ay biyo badan galaan taleefannada, sida ay sheegtay Apple.

Telefoonka gacanta waa aalad yar oo saameyn weyn ku leh nolosha aadanaha, kuwa sida wanaagsan u isticmaalana waxay ka heli karaan faa’iidooyin aad u badan.

Dunida teknolojiyadda ayaa la micno ah in adeegsiga telefoonka gacanta uu caan yahay, sanad walbana ay malaayiin qof ku soo biiraan adeegsigiisa.

Waxay tani fududeysay xiriirka iyo adeegyada dunida.

Haddana adeegsiga telefoonka gacanta ayaa wata khatartiisa gaarka ah taas oo dadka intiisa badan aysan marka hore rumeysan inay saameyn ku yeelan karto caafimaadkooda, caafimaad ahaan keliya maahee xitaa jir ahaan iyo xitaa inay khatar gelin karto noloshooda.

Isha: BBC SOMALI