Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo.

0
37

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu tago Magaalada Kismaayo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Qaban-qaabada soo dhowaynta wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka socota Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose waxaana saacadihii lasoo dhaafay sii gaaray wafdi hordhac u ah oo katirsan Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin deegaan-doorashadoodu tahay Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa kasii hormaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta tagaya Magaaladaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud & Madaxda sare Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa kawada hadlaya xaaladda Dalka, dedaallada Dowladdu ay ugu jirto dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ iyo arrimo kale oo amniga hoostaga.