Mareykanka oo billaabayo barnaamij fududeynaya qaadista qaxootiga cusub.

0
59

Mareykanka oo billaabayo barnaamij fududeynaya qaadista qaxootiga cusub.

 

Dowladda Mareykanka ee uu hadda madaxda ka yahay Joe Biden ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday barnaamij cusub oo dhanka qaxootiga ah, kaas oo muwaadiniinta Mareykanka u ogolaanaya in ay doortaan dadka ay rabaan in loo keeno Mareykanka.

Mashruucaan ayaa loogu tala galay in qoysaska looga caawiyo, in ay dib ula midoobaan kuwa ay jecelyihiin ee ka maqan. Waxaa sidoo kale fursad u heysta in keenista dadka qaxootiga ay ku lug yeeshaan qof kasta, kooxaha diinta iyo ururada bulshada qaarkood.

Barnaamijkaan oo qeyb ka ah hindisaha loogu magac-daray Welcome Corps, ayaa u ogolaanaya koox ka kooban shan ama in ka badan oo muwaadiniin Mareykan ah ama dadka heysta deganaashaha joogtada ah, in ay codsan karaan qof ama qoys si ay mas’uul uga noqdaan keenitaankooda gudaha Mareykanka.

Kooxdan shanta ah ayaa ku guuleysan kara keenitaanka dadka ay rabaan haddii ay shakhsiyaadka la keenayo buuxiyaan shuruudaha laga rabo isla markaana ay ku gudbaan baaritaannada dhanka amniga, sidaasi waxaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka.

Dadka la filayo in barnaamijkaan ay ka qeybgalaan ayaa waxaa ka mid ah qoysaska iyo qaraabada qaxootiga, kooxaha diinta, ururada u dooda dadka isku jinsiga ah iyo halyeeyada u soo dagaallamay Mareykanka.

Sarah Cross, oo ah ku xigeenka kaaliyaha xogheynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa wareysi ay siisay Reuters ku sheegtay, in muwaadiniinta Mareykanka ay doonayaan in ay caawiyaan qaxootiga isla markaana kafaalo-qaadka uu sidaasi ku fududaa doono.

Marki hore, inta badan qaxootiga soo galayo Mareykanka ayaa waxaa Mareykanka u soo gudbi jiray Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Joe Biden, oo dimoqraadi ah ayaa hadda xusul-duub ugu jira sidi uu mar kale ugu guuleysan lahaa jagada madaxweynaha, marka la gaaro doorashada soo socota ee 2024.

Sidaasi daraadeed ayaa waxa uu dhaqaajiyay, barnaamijyo dhowr ah oo qaxootiga u ogolaanaya in ay Mareykanka ku soo galaan hab shari ah. Maamulka Biden ayaa isaga oo barnaamijkan u sii maraya tiigsanaya in sannadka 2024-ka uu keeno ilaa 10,000 oo qaxooti ah. Guud ahaan sannadkaas ayaa qorshuhu uu yahay in la keeno qaxooti dhan 125,000.

Isha: VOA SOMALI