Ku dhowaad 200 oo ruux oo Gaajo ugu dhimatay Waqooyiga Itoobiya.

0
65

Ku dhowaad 200 oo ruux oo Gaajo ugu dhimatay Waqooyiga Itoobiya.

Ismaamulka Dhaca Waqooyiga Dalka Itoobiya ee Tigray waxaa laga diiwaangeliyay geerida ugu yaraan 176 ruux kaddib markii ay waayeen wax ay cunaan sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ismaamulkaas katirsan iyo Dad kale oo Warbaahinta xogtaan la wadaagay.

Dadka dhintay waxaa saameyn taban ku reebay dhibaatooyinkii ka dhashay dagaallada sokeeye ee Itoobiya gaar ahaan kan dhexmaray Dowladda Federaalka & Ismaamulka Tigray oo galaaftay waxyaabihii ay ku tiirsanaayeen Dadkaan.

Abaar daran oo saameyn taban ku reebtay Dadka iyo duunyada ayaa ka jirta Waqooyiga Itoobiya, taasi waxa ay sii kordhisay dhibaatooyinka xooggan ee halkaas ka jira oo ugu dambeyn inta badan Dadku ay billaabeen in ay guryahooda isaga barakacaan.

Hadush Asemelash oo ah Maamulaha Gobolka ayaa Warbaahinta ku hadasha Afka Ismamaulka Tigray u sheegay in xaaladdu aanay wanaagsaneen loona baahan yahay in la garab istaago Dadkaan dhibaatooyin kala duwan wajahaya.

Degmada ugu daran ee Gaajada saameysay waa Emba Sieneti waxaana ku dhintay in ka badan 100 rag ah & ku dhowaad 80 kale oo Dumar ah oo dhammaantood sababsaday cunno la’aan heysata muddo fog sida hadalka loo dhigay.

Raadadka laga dhaxlay dagaalka sokeeye ee Itoobiya ayaa weli ka muuqda Waqooyiga Dalkaas iyada oo Dad badan oo Xoolo dhaqato & beeraley isugu jira ay ku sugan yihiin Xeryo barakac oo laga dhisay Xadka Dalkaas uu la wadaago Suudaan.

Mareykanka & Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ayaa horay u hakiyay gargaarkii dadkaas loo diri jiray sabab la xiriirta in ay sheegeen in ay ogaadeen in gacmahooda aanay gelin oo si musuq ku saleysan yahay loo dabamariyo.