Dowladda UK oo ka carrootay kulan dhax maray Erdogan iyo Humza Yousaf hanjabaadna dirtay

0
60

Dowladda UK oo ka carrootay kulan dhax maray Erdogan iyo Humza Yousaf hanjabaadna dirtay

Xoghayaha cusub ee arrimaha dibadda ee Britain David Cameron ayaa ku hanjabay inuu ka laaban doono taageerada xafiiska arrimaha dibadda ee Scotland ka dib markii wasiirka koowaad ee Scotland Humza Yousaf uu la kulmay madaxweynaha Turkiga iyadoo aanay goobjoog ka ahayn madaxda UK.

Warqad uu Cameron u diray xisbiga Iskotland National Party (SNP) ayuu ku sheegay inay jabin tahay hab-maamuuska in Yousaf uu Qaza iyo arrimo kale kala hadlay Recep Tayyip Erdogan shirkii COP28 ee ka dhacay Dubai 1-dii Diseembar.

Labada hoggaamiye ayaa ka mideysan arragtidooda joojinta dagaalka Gaza, halkaas oo ay Israa’iil weerarrada cirka iyo dhulka ah ku dileen ku dhawaad 18,000 oo falastiiniyiin ah, waxayna ku baaqeen xabbad-joojin degdeg ah.

Hoggaamiyahan ugu sareeya Scotland Yousaf ayaa si weyn u dhaleeceeyay taageerada buuxda ee dowladda UK ay siiso maamulka Israa’iil iyo duulaanka millatari ee ay ku qaadeen marinka Qaza ee dhulka Falastiin.