Saciid Deni oo ku dhawaaqay in Puntland aysan ka dhaceyn doorasho qof iyo cod

0
69

Saciid Deni oo ku dhawaaqay in Puntland aysan ka dhaceyn doorasho qof iyo cod

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisa uusan aadayn doorasho qof iyo cod ah, isaga oo sheegay in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la qaban doona January 8, 2024-ka.

Deni oo Madaxtooyada Puntland kula hadlay Isimo, Gacansato, Waxgaradka, Culimaa’udiin, Qurbojoog iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada ayaa khudbad uu kaga hadlayo geedi socodka doorashada iyo hiigsigii uu damabacsanaa in uu ka hirgaliyo Puntand ayuu sheegay in uu ka fashilmay, ka gadaal markii cadaadis uu la kala kulmay Mucaaradka, Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada qeybaheeda kale duwan.

Saciid Deni oo hadlaya ayaa yiri, “Anniga oo u damaqanaaya bulshadeeda, anniga oo dareensan duruufaha ku xeeran, anniga oo garanaaya haweenkii ku umulay iyaga oo codka bixinaaya, waayeelkii lagu riixayey Wheelchair (Kursiga lagu riixo dadka aan awoodin in ay lugahooda ku istaagaan) ee codeenayey, anniga oo garanaaya ciyaalkii yaryaraa ee dhabarka lagu siday iyada oo doorashada dhacayso, anniga oo og dareenka dhallinyarada mustaqbalka raba, waxa aan aad uga xumahay go’aan aan ku farxeenin in aan qaato.”

Madaxweynaha Puntland ayaa go’aanka uu qaatay waxa uu ka yiri, “Anniga oo u turaya Mustaqbalka Puntland in aan halkaan ugu dhawaaqo in Puntland 8 January doorasho dhacdo, dadka matalaya xubnaha Baarlamaanka Qabaa’ilkii horay ugu midoobay xubnaha 66-danka lahaa dadkooda in ay soo doortaan.”

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa go’aanka ka soo baxay waxa uu ku sheegay in uusan ahayn mid u hiilinaaya Bulshada Puntland, “Haddii ay waayaan qof ay qof iyo cod ku doortaan qof ay raali ka yihiin ha soo doortaan.”

Ugu dambeyn Saciid Deni ayaa sheegay in Golaha Wakiillada uu u gudbin doona qoraalka uu ku dalabanay in doorasho la aado, waxa uuna xusay in dhawaan uu soo magacaabi doona guddiga ka shaqeyn doona doorashada.

Hadalka ka soo yeeray Deni ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeeyey ay Magaalada Garoowe ka socdeen kulamo kala duwan oo ay yeelanayeen Mucaaradka iyo Odayaasha dhaqanka oo dhammaantooda ka soo wada horjeestay damaca Deni oo markii dambe sababay in magaalada Garoowe uu ka dhaco dagaal salka ku haya doorasho aan raali lagu wada ahayn.