Ciidanka Israaiil oo burbur xooggan u geystay Khan Younis.

0
135

Ciidanka Israaiil oo burbur xooggan u geystay Khan Younis.

Diyaaradaha Ciidanka Israaiil & gantaallada culus ee ay tuurayaan ciidankaas ayaa burbur xooggan u geystay qaybo badan oo kamid ah Magaalada Khan Younis ee dhacda Koofurta Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

Duqeyntaas waxa ay galaafatay nolosha Dad u badan carruur, Haween & kuwo da’ ah kuwaas oo qaarkood awoodi waayay in ay isaga baxaan maadaama 10kii daqiiqo kasta ay ku dul dhacayaan gantaallo culus.

Khubarro si dhow uga xog-warrantay arrintaan waxa ay ku sifeysay weerar ay ciidanka Yuhuudda ku doonayaan in ay ku isir-sifeeyaan Falastiin si ay uga sal-kiciyaan dhulkooda uguna darsadaan dhulka ay horay u qabsadeen.

Ciidanka Israaiil ayaa gantaallo culus weli ku garaacaya Koofurta & Waqooyiga Magaalada Gaza kaddib markii ay ku fashilmeen dagaalka tooska ah oo ay ku waayeen Gaadiid noocyo kala duwan ah, Saraakiil iyo askar muhiim u ah.

“10 daqiiqo gudahood waxa aad maqleysaa jugta duqeynta culus, Dad badan oo dhaawac ah ayaa ku jira guryahooda, ma jirto meel nabadgalyo ah oo dhammaan Xaafadaha waa kuwo ay bartilmaameedsanayaan ciidanka Yuhuudda” Sidaasi waxaa yiri qof kamid ah Dadka deegaanka oo Warbaahinta la hadlay.

Dagaalka ka socda Dhulka Falastiin oo billowday 7dii Oktoobar 2023 ayaa berri galaya bishii labaad, marka laga reebo xabbad-joojin bani aadamnimo oo socotay 7 cisho waxa uu dagaalkaas ka dhigayaa in uu si xiriir ah u socday.