Hoggaamiyaha Xisbullaah oo maanta jeedinaya fariin ka culus middii uu jeediyay 3dii Nofeembar 2023.

0
55

Hoggaamiyaha Xisbullaah oo maanta jeedinaya fariin ka culus middii uu jeediyay 3dii Nofeembar 2023.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullaah Sheekh Xasan Nasrallaah ayaa maanta markale jeedinaya Khudbad lasii saadaalinayo in ay ka kulushay middii uu jeediyay 3dii Nofeembar 2023 ee uu ku weeraray Siyaasadda Israaiil iyo duqeynta ay ka geysaneyso Gaza.

Warbaahinta indhaha ku heysa xaaladda & dhaqdhaqaaqa ka jira Bariga Dhexe ayaa durba billowday falanqeyn iyo in lasii saadaaliyo khudbadda uu jeedinayo wadaadkaan oo Teleefishinka ku hadla Afka Xisbullaah uu sii ballamiyay.

Marka la eego muddada todobaadka ah ee u dhaxeeya Khudbaddiisii hore iyo tan maanta laga sugayo Sheekh Xasan Nasrallaah waa mid kala duwanaanteeda looga tusaale qaadanayo muddadaas dagaallada dhacay & khasaaraha ay geysteen.

Xasan Nasrallaah ayaa khudbaddaan jeedinaya 3:00 PM galabnimo ee waqtiga Bayruut oo dhanka Geeska Afrika noqoneysa 4:00 PM, hadal jeedintiisa waxaa loo asteeyay in ay ka dhacdo hool ku yaalla dhinaca Koofureed ee Caasimadda Dalkaas.

Munaasabad ay ugu magac dareen “Qofka alle dartiis u dhinta” oo ay ku asteeyeen 11ka Nofeember ayuu khudbad ku jeedin doonnaa Hoggaamiye Sheekh Xasan Nasrallaah iyada oo dhegaha lala raacayo fariinta uu gudbin doonno.

Xisbullaah ayaa si ku lug leh dagaalka ka socda Bariga dhexe waxaana ay beegsatay Gaadiidka Ciidanka ee Qafilan ee Yuhuudda halka ay burburisay Kaamirooyinka iyo anteenooyinka Israaiil ka hirgelisay Soohdinta Lubnaan.

La soco wixii kasoo kordha.