Xuutiyiinta Yemen oo gantaalkii ugu horeeyey la helay magaalo ka tirsan Israel

0
74

Xuutiyiinta Yemen oo gantaalkii ugu horeeyey la helay magaalo ka tirsan Israel

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegatay mas’uuliyadda gantaal ballistic ah oo lagu weeraray magaalada Eilat ee koonfurta Israa’iil.

Ciidamada Difaaca Israel ayaa sheegay in wax u eg dayaarad aan duuliye lahayn ay ku dhufatay dhismo rayid ah oo ku yaala magaalada Eilat.

“Aqoonsiga UAV-ga iyo faahfaahinta dhacdada dib ayaa loo eegayaa,” ayaa lagu yiri war ay soo saareen Ciidamada Israel

Warbixin muuqaal ah, afhayeenka milatariga Xuutiyiinta Brig. Gen. Yehya Saree ayaa ku andacoodey in ciidamada Xuuthiyiinta ay ku soo rideen “tiro gantaalo balaastik ah tiro bartilmaameedyo kala duwan ah agagaarka magaalada Eilat.

“Howlgalku wuxuu ahaa mid lagu guuleystay oo horseeday in si toos ah loo garaaco bartilmaameedyada la doortay iyada oo aan loo eegin cadawgu inuu qarinayo arrinta, ciidamada qalabka sida ee Yemen waxay sii wadi doonaan howlgalkooda ay ku taageerayaan dadkayaga Gaza ilaa gardarrada Israel ee Gaza ay joogsato,” ayuu yiri Saree.

Shirar jaraa’id oo ay kala qabteen afhayeenka ciidamada Yuhuuda Daniel Hagari iyo Wasiirka difaaca Yoav Gallant ayay ku sheegeen inay wali eegayaan dhacdada.

Horaantii todobaadkan, Xuutiyiintu waxay sheegteen dhowr gantaal iyo weerarro diyaaradeed oo ka dhan ah Israa’iil waxayna ka digeen in weeraro kale ay iman doonaan.

Arbacadii, Israa’iil waxay sheegtay inay ka hortagtay gantaal loo soo riday Israa’iil oo ka yimid gobolka Badda Cas, iyadoo adeegsanaysa habka gantaalaha ee Arrow 3, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Israa’iil.