Madaxweynaha Turkiga oo Xamaas ugu yeeray Urur dhaqdhaqaaq xorriyad doon ah

0
52

Madaxweynaha Turkiga oo Xamaas ugu yeeray Urur dhaqdhaqaaq xorriyad doon ah

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taageero xooggan u muujiyay Ururka Xamaas iyo dagaalka uu kula jiro Israel, isaga oo Xamaas ugu yeeray dhaqdhaqaaq xorriyad doon ah.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa ku soo aadaya xilli dagaalka Qaza ka socda uu galay bil. Duqeymo ay geysteen diyaaradaha dagaalka Israel ayaa keentay in ay burburaan guryo badan oo hoy u ahaa shacabka reer Qaza.

Dagaalka Xamaas iyo Israel ayaa noqday mid ay ku kala qeyb sameen Madaxda adduunka, Israel ayaa teego xooggan ka heshay badi waddamada reer galbeedka, halka waddo ka tirsan Aasiya, Latin America iyo Africa ay xiriirka u jareen Israel.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan aysan qaadan waddamada caalamka ka gaartay dagaalka, iyada oo taageero u muujisay Ururka Xamaas oo ay ku sheegtay in ay yihiin Urur difaacaya dhulkooda oo aysan ahayn Argagixiso.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo todobaadkii hore ka hadlay madal ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayuu ka sheegay mawqifka dowladda, isaga oo hadalkiisa saameen iyo hadal ahayn ka dhaliyey waddamada caalamka, ka dib go’aankii ay qaadatay dowladda Soomaaliya, kaas oo aysan qaadan dalalka Caalamka gaar ahaan kuwa Islaamka.

Dagaalka Israel iyo Xamaas ayaa muddada uu socday waxaa ku dhintay in ka badan 10,022 Falastiiniyiin ah kuwaas oo ku noolaa Gaza, dadkaan dhintay ayaa 4,104 ka mid ah waxa ay ahaayeen carruur.

Tirade ku dhaawacantay ayaa Ilaa gaareysa 24,800 oo ay ku jiraan 10,000 oo carruur ah. Sidoo kale In ka badan 1.5 milyan oo qof – ilaa 60% dadka ayaa si qasab ah loo baro-kiciyay.

Dhanka Israel qasaaraha soo gaaray ayaa aad waxa uu uga yaryahay kan soo gaaray Qaza, sida ay sheegayaan xogaha aan helnay, in ka badan 1,400 Israeli ah ayaa la dilay, halka 240 ay ku jiraan gacanta Ururuka Xamaas.