Ra’isul Wasaaraha Isreal oo shaaciyay cidda maamuleysa Gaza marka uu dagaalka dhamaado

0
54

Ra’isul Wasaaraha Isreal oo shaaciyay cidda maamuleysa Gaza marka uu dagaalka dhamaado

Ciidamada Isreal ayaa weerar cir iyo dhul ah ku qaaday magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana magaaladan maamulkeeda gacanta ku hayay kooxaga gabannimadoonka Xamaas.

Isreal ayaana dooneysa in gabi ahaan magaalada Gaza ka saarto ururka Xamaas ay u arkaan halista ugu weyn ee la kulmayaan, waxa ayna dadaalkii ugu dambeeyay ku bixinayaan sidii magaalada u bur burin lahaayeen ugana saari lahaayeen Xamaas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in dalkiisu uu maamuli doono ammaanka magaalada Gaza muddo dheer kaddib, marka uu dhammaado dagaalka ay hadda kula jiraan kooxda Xamaas.

Benjamin Netanyahu oo la waydiiyay cidda maamulaysa Gaza dagaalka ka dib, ayuu si cad u sheegay in uu rumaysan yahay in Israa’iil ay qaadi doonto mas’uuliyadda amniga magaalada Gaza “muddo aan xad lahayn”.

“Marka aynaan haysan mas’uuliyadda amniga magaalada Gaza, waxa aan hayno waa qarxinta argagaxisada Xamaas oo aan qiyaasi karin,” Netanyahu ayaa ku yiri wareysi uu siiyay ABC News.

Hadalka Netanyahu ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, oo ah saaxiibka ugu dhow, uu bishii hore uga digay Israa’iil qabsashada baaxadda leh ee Gaza, isagoo sheegay in haddii ay sidaas sameyso ay tahay “khalad weyn”.