Billowga Dagaalka & Duqeynta Gaza oo maanta bil laga joogo.

0
66

Billowga Dagaalka & Duqeynta Gaza oo maanta bil laga joogo.

7dii Oktoobar 2023 maanta oo kale waa markii uu billowday dagaalka & duqeynta is dhinac socda ee Magaalada Gaza kuwaas oo galaaftay nolosha in ka badan 10,000 oo Falastiiniyiin ah iyo Yuhuud badan oo aan tira-koob rasmi ah laga heyn.

Dagaalkaan oo ku billowday howlgal cajiib ahaa oo Xamaas gaar ahaan Guutada lagu magacaabo ‘Duufaan Al-Aqsaa’ ay ku gashay xeryo difaacyo adag ay ku hareereeyeen ciidanka Israaiil halkaas oo khasaara xooggan lagu gaarsiiyay Yuhuudda.

Israaiil oo damacsan in ay ka waji dhaqato guuldarradaas iyo ceebkaas kasoo gaartay weerarkaas bannaanka soo dhigay habaca dhinaca Sirdoonkooda, Teknoolajiyadda, waxqabadka difaacyadii ay ku faanayeen iyo wax weliba oo ay isku haleenayeen ayaa duqeyn aan loo meel dayin ku beegsatay Magaalada Gaza gaar ahaan goobaha Rayidka.

Muddo bil ah ayuu galay Dagaalkaan iyo Duqeynta isla socda ee weli galaafanaya nolosha Dad badan oo intooda badan Ehelkooda ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarradaas ay geysanayaan ciidanka Yuhuudda.

Waxyaabaha laga soo calaamadeeyay weerarrada Israaiil ay geysaneyso waxaa kamid ah:

1-Gantaalkii ay ku dhufteen Isbitaalka Al-Ahli Baptist ee Magaalada Gaza ee dhacay 17kii Oktoobar 2023 oo ah toban cisho kaddib kolkii uu duullaanka billowday waa xiligaasiyee waxaana ku dhintay ugu yaraan 500 oo ruux halka ay dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

2-Xeryaha Qaxootiga ee Gaza ku yaalla, Goobaha Waxbarashada ee Hoostaga Qaramada Midoobay iyo isbitaallo si gaar ah u qabanayay daryeelka caafimaad ee xannuunada halista badan sida cudurka Kansarka ayay duqeyn ku beegsatay Israaiil.

3-Biyaha, Cunnada, Shidaalka, Internet-ka iyo caafimaadka bannaanka si ay daryeel u helaan bukaannada dhaawacyada kala duwan soo gaaray waa qaar kamid ah waxyaabaha naxdinta leh ee Israaiil geysatay muddada bisha ah.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa bayaan ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in dadka ku dhintay weerarka iyo Duqeynta Yuhuuddu ay gaarayaan in ka badan 10,000 oo qof oo rayid ah kuwaas oo u badan Carruur, Haween & Dad da’ ah.

Xaaladda Gaza waxa ay durba rogtay quluubta waddamo aanay looga barin in ay arrimahaan ka hadlaan ama soo hadal qaadaan kuwaas oo qaaday tallaabooyin kala duwan oo ay uga falcelinayaan xasuuqa Yuhuuddu geysaneyso.

Bolivia, Chile, Russia iyo Dalal kale oo dhaca Yurub & Ameerika ayaa si toos ah u dhaleeceeyay tallaabada Israaiil ee ka dhanka ah Falastiin, halka dibadbaxyo waaweyn ay ka dhaceen Waddamada Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Urdun, Ciraaq, Soomaaliya, Iiraan, Yemen, Indonesia, Giriigga, Austria iyo Dalal kale.

Khubarrada dhinaca ciidanka ayaa weerarka Israaiil iyo duqeynta xooggan ee aan loo meel-dayin ee ay sameyneyso waxa ay ku sifeeyeen ‘Isir tir’ ka dhan ah Falastiin si ay Yuhuuddu isugu faafiso dhulka ka haray inta ay ka boobtay Falastiin.