Dadkii Ay Dhaawacyadu Ka Soo Gaadheen Duqaymaha Isreal Ee Gaza Oo Loo Daad Gureeyay Dalka Masar

0
50
Egyptian ambulances convoy which will carry critically injured people waits to go through the Rafah crossing from the Egyptian side, amid the ongoing conflict between Israel and the Palestinian Islamist group Hamas, in Rafah, Egypt November 1, 2023. REUTERS/Stringer

Dadkii Ay Dhaawacyadu Ka Soo Gaadheen Duqaymaha Isreal Ee Gaza Oo Loo Daad Gureeyay Dalka Masar

Shacab dhaawacyo daran kasoo gaaray Duqeynta aan kala go’a lahayn ee Israaiil ay ku garaaceyso Magaalada Gaza ayaa maanta oo Arbaco ah loo gudbiyay dhinaca Jamhuuriyadda Carabta Masar sida ay xaqiijiyeen saraakiil caafimaad oo Warbaahinta la hadlay.

Tiro rasmi ah ma sheegin saraakiishaan balse waxa ay caddeeyeen in la qaaday qaar kamid ah dadka dhaawacyada halista ah soo gaaray si ay u helaan daryeel Caafimaad oo dheeraad ah maadaama xaaladdoodu aad u liidato.Heshiis ay garwadeyn ka ahayd Dowladda Carbeed ee Qatar ayaa lagu go’aamiyay in Marinka Rafax laga gudbiyo dadkaan dhaawacyada soo gaaray oo loosii diyaariyay Gawaarida gurmadka degdega ah iyo dhaqaatiirtii gargaarka usii sameyn lahayd.

Duqeynta arxan-darrada ah ee gardarada ah ee Yuhuudda ku garaaceyso Magaalada Gaza ayaa sii kordhisay khasaaraha dhimasho, dhaawac iyo midka maaliyadeed sida dhismaha ay degenaayeen oo burbur xooggan soo gaaray.

Israaiil ayaa ku fashilantay isku dayo kala duwan oo weerar dhinaca dhulka ah ah ay ku damacday in gudaha magaalada Gaza galaan kaddib markii weerarro iska caabbin ay kala hortageen Shacabka dulmay ee Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here