Israel oo ashtako u gudbisay Ruushka iyo kooxda Xamaas oo Sabab u noqotay

0
77

Israel oo ashtako u gudbisay Ruushka iyo kooxda Xamaas oo Sabab u noqotay

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israel waxay shalay oo Axad ahayd u yeertay Danjiraha Raashiya u jooga Tel Aviv, Ambassador Anatoly Viktorov, iyadoo loo gudbiyey Qoraal Ashtako ah oo looga soo horjeedo Socdaalka Rasmiga ee Wafdigii ka socday Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Xamaas ay Khamiistii la soo dhaafay ku tageen caasimadda Raashiya ee Moscow.

Saraakiisha Wasaaradda arrimaha dibadda Israel waxay Ambassador Anatoly Viktorov u sheegeen inay cambaareynayaan Booqashadaasi, una arkaan mid wax u dhimi karta Xiriirka labada Waddan.

Dhanka kale, Wafdi ka socday Xamaas oo uu hoggaaminayey Moussa Mohamed Al-Marzouk ayaa waxay bishan October 26-dii booqdeen Caasimadda dalka Raashiya ee Moscow, iyagoo la kulmaan madax sare oo Raashiyaan ah.

Al-Marzouk oo Wareysi siiyey Warbaahinta RT waxa uu xusay inay Dowladda Raashiya ka heleen Liiska Muwaadiniintooda ka mid ah La-haystayaasha ay XAMAAS ka soo qabteen Weerarkii ay ku qaadeen gudaha Israel bishan October 7-dii.

Wafdiga XAMAAS waxay sheegeen inay Tixgelin Khaas ah siinayaan Codsiyada uga yimid Dowladda Raashiys, iyagoo dhanka kale bogaadiyey Kaalinta wax-ku-oolka ee Raashiya ka taagan tahay Colaadaha haatan socda ee u dhexeeya XAMAAS iyo Israel.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here