Halka Uu Hubka Nukliyeerku Ugu Qarsan Yahay Dalka Kaliya Islaam Ah Ee Haysta Hubkan

0
112

Halka Uu Hubka Nukliyeerku Ugu Qarsan Yahay Dalka Kaliya Islaam Ah Ee Haysta Hubkan

Pakistan waxay hadda haysataa wadarta 170 madaxyada hubka nukliyeerka ah, kuwaas oo lagu hayo saldhigyo milatari oo gaar ah, sida ay qabaan saynisyahannada ugu sarreeya Maraykanka ee nukliyeerka.

Hadii Pakistan ay horumarinta kaydkeeda hubka Nukliyeerka sidan kusii waddo, tirada hubka Nukliyeerka waxay gaarsiin kartaa 200 oo xabbo marka la gaaro sannaka 2025-ka.

Macluumaad ku saabsan halka ay yaaliin gantaallada riddada gaaban iyo kuwa riddada dheer ee qaada madaxyada nukliyeerka ayaa lagu sheegay jaraa’idka ‘Bulletin of the Atomic Scientists’ oo la daabacay Sebtembar 11-keedii.

Gantaalada xambaari kara Nukliyeerka iyo qalabkooda lagu daabulo ayaa lagu ssameeyaa Xarunta Difaaca Qaranka ee ku taal Buurta Kala Chitta Dahar ee galbeedka Islamabad.

Sawirrada dayax-gacmeedku waxay muujinayaan in xaruntani ka kooban tahay laba qaybood. Gantaallo iyo matoorada gantaallada ayaa lagu sameeyay, laguna tijaabiyaa Galbeedka Islamabad.

Waxaa dhanka waqooyi bari ee Fateh Jang laga helay cadaymo ku saabsan waddo ay maraan gaadiidleyda Erector Launchers (TELs) oo daabula hubka nukliyeerka.

Sawirka oo la qaaday bishii Juun ee sannadkan 2023, waxa kale oo uu muujinayaa shaagagga gawaadhida (Erector Launchers) ee Nasr, gantaalaha balaastigga ee Shaheen-1A iyo gantaalka joogga hoose ku duula ee Babur.

Gantaal ballistic ah
Sida ay sheegayaan wararku, Pakistan waxay hadda haysataa lix gantaal oo gantaalaha ballistic-ga ee Nukliyeerka ah, kuwaas oo isla markiiba la adeegsan karo.

Kuwaasi waxay kala yihiin Abdali (Hatf-2), Ghaznavi (Hatf-3), Shaheen-I/A (Hatf-4) , Nasr (Hatf-9), Ghauri (Hatf-5) iyo Shaheen-2. (Hatf- 6). Waxay isugu jiraan kuwa ridada gaaban iyo kuwa ridada dhexe.

Warbixintu waxay gantaaladu ay yaalaan 8 ilaa sagaal goob oo kala duwan gudaha Pakistan.

Noocyada ridada gaaban ee kala ah (Babar, Ghaznavi, Shaheen-1, Nasr) waxay ku qarsan yihiin 4 ilaa 5 goobood oo ku teedsan xadka Hindiya iyo Pakistaan wadaagaan.

Waxaa jira saddex ilaa afar saldhig oo militari oo ku yaala gudaha dalka, halkaas oo lagu hayo gantaalada riddada dhexe ee (Shaheen-2 iyo Ghauri).

Warbixinta ayaa lagu sheegay in aan si dhab ah loo sheegi karin inta saldhig ee Pakistan ay ku haysato gantaalada qaadi kara madaxyada Nukliyeerka. Laakin sawir dayax-gacmeed lagu qaaday ayaa muujinaya in Pakistan ay leedahay ugu yaraan shan saldhig oo gantaalo ah oo awood u leh in ay soo saaraan madaxyada nukliyeerka.

Si kastaba ha ahaatee, tiradooda wax badan iskamay beddelin tan iyo sannadkii 2016, ayay tiri warbixintu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here