Boqolaal Taageerayaasha Mucaaradka Eritrea Ah Oo Lagu Xidhay Jarmalka Iyo Sababta Loo Xidhxidhay Dadkaasi

0
176

Boqolaal Taageerayaasha Mucaaradka Eritrea Ah Oo Lagu Xidhay Jarmalka Iyo Sababta Loo Xidhxidhay Dadkaasi



Boqolaal Taageerayaasha Mucaaradka Eritrea Ah Oo Lagu Xidhay Jarmalka Iyo Sababta Loo Xidhxidhay Dadkaasi
September 18, 2023
SHARE0

Illaa 228 ka mid ah taageerayaasha mucaaradka Eritrea ayaa lagu xiray Jarmalka kadib markii ay isku dhaceen booliska, magaalada koonfureed ee Stuttgart, waxaa sidaas sheegay booliska.

Isku dhacyada ayaa qarxay habeenkii Sabtida markii taageerayaasha mucaaradka ay isku dayeen inay arbushaan munaasabad ay soo abaabuleen taageerayaasha dowladda Eritrea.

Qiyaastii 300 oo boolis oo la geeyey goobta ayaa dhexda u galay ‘rabshado weyn” oo dhex-maray labada koox ee iska soo horjeeday, waxaa sidaas sheegay Carsten Hofle, taliye ku-xigeenka booliska Stuttgart.

“Lama sii saadaalin xoogga iyo xaddiga rabshadaha,” ayuu yiri.

Soddon iyo laba qof ayaa ku dhaawacantay iska horimaadka, oo ay ku jiraan 26 boolis ah, afar ka mid ah ka qayb-galayaasha munaasabadda iyo laba ka mid ah taageerayaasha mucaaradka, sida ay sheegeen booliska.

Munaasabadda ayaa waxaa isku dhacay 90 taageereyaasha dowladda Eritrea ah iyo boqolaal taageersan mucaaradka, kuwaas oo diiday in ay tagaan goob ay mas’uuliyiintu u asteeyeen in ay mudaaharaadka ku qabtaan, sida ay booliisku sheegeen.

Booliska ayaa waxay intaas ku dareen in askarta lagu weeraray budad, masaamiir, biro, dhalooyin iyo dhagxaan.

Waa markii labaad oo dhowr bilood gudahood ay isku dhacyo ka qarxaan munaasabad Eritrean ah oo lagu qabtay dalka Jarmalka.

Bishii Luulyo, 26 sarkaal ayaa la dhaawacay, in ka badan 100 qofna waa la xiray kadib isku dhac ka dhacay bandhig faneed Eritrean ah oo ka dhacay magaalada Giessen.

Eritrea ayaa ka go’day Itoobiya May 1991-kii, waxayna si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaani May 1993. Waxaa madax ka ah Issaias Afeworki, oo ku caan baxay xukunkiisa gacanta birta ah.

Dalkan ku yaalla Badda Cas ayaa lagu cunaqabateeyey inuu faraha la galo colaadaha gobolka, oo ay ku jiraan kuwii ugu dambeeyay ee xadgudubyada ay ciidankeedu ka geysteen dagaalkii Tigray ee Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here