Saddex dowladood oo Soomaaliya ugu deeqay lacag ka badan 10-Milyan oo Dollar

0
154

Saddex dowladood oo Soomaaliya ugu deeqay lacag ka badan 10-Milyan oo Dollar

Saddex kamid ah dowladaha Soomaaliya sida weyn u taageera ayaa lacag dhan 10.5 milyan oo doolar ugu deeqay Soomaaliya, lacagahan ayaana loogu tala galay looga qeyb qaato gargaarka abaaraha iyo u adkeysiga aafooyinka.

Lacagahan lagu taageerayo Soomaaliya ayaa bixinteeda waxaa iska kaashaday Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Qatar, kuwaa oo lacagahan soo mariyay hay’adaha iyo danduuqyada u qaabilsan gargaarka.

Dowladahan ayaana doonaya in Soomaaliya ka taageeraan wax ka qabashada abaaraha soo noq noqday iyo kahor taga aafooyinka, waxaana lacagahan cunto iyo gar gaar kale loogu iibin doonaa dadka ay saameynta ku yeeshaan abaaraha.

In ka badan haaf milyan carruur ah ayaa la sheegay in ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan baahi iyo nafaqado darro, waxaa sidoo kale la sheegay in malaayiin qof oo Soomaaliya kunool ay heestaan cunto yari ka dhalatay abaaraha iyo colaadaha goobaha qaar ka jira.

Soomaaliya waxaa sannadihii lasoo dhaafay ku dhuftay abaaro baahsan oo ay ku dhinteen dad badan iyo duunyo, waxaana wali digniin laga bixinayo abaaro kale oo kusoo wajahan qeybo dalka kamid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here