Hogaamiyaha Militariga Suudaan oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha gudaha dalkaas

0
113
Sudan's top army general Abdel Fattah al-Burhan holds a press conference at the General Command of the Armed Forces in Khartoum on October 26, 2021. - Angry Sudanese stood their ground in street protests against a coup, as international condemnation of the military's takeover poured in ahead of a UN Security Council meeting. (Photo by ASHRAF SHAZLY / AFP) (Photo by ASHRAF SHAZLY/AFP via Getty Images)

Hogaamiyaha Militariga Suudaan oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha gudaha dalkaas

Hogaamiyaha Militariga Sudan Lt Gen Abdel Fattah al-Burhan ayaa xilka ka qaaday ku simaha wasiirka arimaha gudaha Anan Hamed Mohammed Omar oo sidoo kale ahaa taliyaha ciidamada booliska.

War qoraal ah oo uu soo saaray Gen Burhaan ayaa taliyaha guud ee booliska ugu magacaabay Khalid Hassan Muhyi al-Diin.

Lama sheegin sababta xilka looga qaaday, balse Gen Burhaan ayaa horay sidan oo kale wareegtooyin xilka uga qaaday guddoomiyihii bangiga dhexe iyo laba dublamaasi oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.

Bilaysku ayaa la sheegay inay ka hawlgeli waayeen meelaha ay dagaalada ka socdeen , oo ay ku jirto caasimadda, Khartoum, tan iyo markii uu dagaalku qarxay 15kii Abriil. Taasi oo keentay in deegaanadaas ay si weyn uga dhacaan falal lidi ku ah sharciga oo ay ka mid yihiin dhac iyo boob.

Ajaanibtii ugu badneen ayaa todobaadyadii u dambeeyay laga daabulay Magaalada Khartuum ee Caasimadda Jamhuuriyadda Suudaan halka si joogta ah dad badan ay isaga baxaan Magaaladaas iyaga oo gaaray Xuduudda waddamada deriska la ah Dalkaas.

Dagaalka tooska ah ee dhinacyadaan dhexmaraya waxaa intaas dheer cunno la’aan iyo biyo la’aan ka jirta Dalkaas, Qaramada Midoobay & Hay’adaha kala duwan ee gaarka ah oo ka walaacsan xaaladda qasan ee Waddankaas ka jirta.

Beesha Caalamka ayaa indhaha ku heysa xaaladda Jamhuuriyadda Suudaan & wadahadalka lagu wado in ay yeeshaan dhinacyadaan isku dhacooda billawday 15kii April 2023, marka la gaaro berri waxaa u buuxsamaya muddo bil ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here