327 maalin ka dib Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya kulan dadweyne oo su’aalo lagu weydiinayo

0
178

327 maalin ka dib Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya kulan dadweyne oo su’aalo lagu weydiinayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay tan iyo dib u doorashadiisii May 2022-ka ka qeyb galaya kulan dadweyne oo shacabka Soomaaliyeed ay su’aalo ku weydiinayaan.

Madaxtooyada Soomaaliya oo baahisay xayeysiiska kulanka Shacabka Soomaaliyeed ay Su’aalo ku weydiinayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayey ku sheegtay in uu dhici doona fiidnimada Caawa.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galayaan Dadweynaha ku dhaqan Caasimadda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya lagu weydiin doona Weydiimo furan oo daaran; Hawgallada ka socda dalka, dadaallada ay waddo DFS ee dib u soo celinta xiriirka ay la leedahay Caalamka iyo dhaqan galka balan qaadka Madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah.

Villa Somalia ayaa kulankaan ugu magac dartay #Weydiimadaxweynahaaga, balse ma shaacin halka uu ka dhacaya, walow ay sheegtay in Muwaadiniin Soomaaliyeed ee u suura galin in ay ka qeyb galaan kulanka, ay waydiimahooda hab online ah uga qeyb gali karaan, iyaga oo u soo diraya Qoraal, Cod ama Muuqaal.

Kulaankaan ayaa ku soo beegmaya sanad guurada koowaad ee xil heynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasana Sheekh Maxamuud oo ay ka harsan tahay muddo laba todobaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in Dowladdiisa ay u furan tahay Dadweynaha, iyada oo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ay qabatay Bandhiga ay Su’aalo ku weydiinayay 21 April, 2023-ka, balse lama hubo in kulankaan uu ka duwanaan doonaan kii ay qabatay Dowladdii hore sida ay Bulshada uga qeyb galayso.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shantii sano ee uu xukunka joogay ku guul dareestay in uu Warbaahinta hor yimaado, si loo waydiiyo Su’aalo furan, hase yeeshee Hoggaanka Villa Somalia ayaa 27 September 2020-kii qabtay kulankii ugu horrreeyay ee Madaxweyne Farmaajo ay Shacabka Soomaaliyeed Su’aalo ku weydiinayaan, kaas oo ka dhacay Madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here